Madaxweynayaashii hore Shiikh Shariif iyo Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Madaxweynayaashii hore Shiikh Shariif iyo Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Kulankan ayaa la sheegay in saddexdan madaxweynayaashii hore ee dalka hore u soo maray waxa ay ugaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo siyaasadda dalka halka ay marayso.

Madaxweynayaashii hore ayaa kulanka iskula soo qaaday xayiraadii dhowaan la saaray magaalada Kismaayo taasoo saameysay mid kamid ah madaxweynayaashii dalka soo maray iyo mas’uuliyiin kale sida ay jowhar,com u sheegeen siyaasiyiin kulanka goobjoog ka ahaa.

Sidoo kale kulankan ayaa loogaga hadlay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan arrimaha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan la iskula soo qaaday arrin ku dhacday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ahayd in ciidamo bar koontarool ku sugnaa ay u diideen inuu maro iyagoo weydiiyay aqoonsi.

Warka ku saabsan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi loo diiday inuu maro waddo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa si weyn loogaga hadlayay baraha bulshada.

Diwaanka

Wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com