HomeUncategorized

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku qabtay magaalada Dhuuso-marreeb.

Dhuuso-marreeb, Feb 13- Qaar ka mida mudanayaashii ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugnaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa shir-jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Dhuuso-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

DHAGAYSO:Barnaamij Gaar ah oo ku Saabsan Geerida Naxdinta leh ee Maxamed Abshir Walde
DHEGEYSO-Falanqaynta go’aan shalay kasoo baxay xukuumadda Puntland.
Dhagayso Barnaamijka Caawa iyo Daljir 16 – April – 2016 – Wariye C/fitaax Cumar Geeddi (Daljir Studio Garowe)

Dhuuso-marreeb, Feb 13- Qaar ka mida mudanayaashii ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugnaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa shir-jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Dhuuso-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.


Shirkaan jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabten 5 mudane oo katirsan dowladda federaalka soomaaliya ayaa ku saabsanaa safarka iyo booqashooyinkii ay ku marayeen deegaano kamid ah gobalka galgaduud, waxyaabihii ay kala kulmeen iyo wixii u qabsoomay.


xildhibaan nuur faarax jaamac oo kamid ahaa xildhibaanada dowlada federaalka soomaaliya kana mid ahaa mudanayaashaan kusugan gobalka galgaduud oo markii uu shirkaasi jaraa’id uu soo idlaaday waraysi siiyay radio daljir ayaa kawaramay shirkaasi jaraaid iyo waxa ay uga gon’lahaayeen.


xildhibaan nuur ayaa sheegay shirkaasi jaraa’id uusan wax lug ah ama uusan dabasocon shir kale oo maalintii shalay maamulka ahlusuna wajameeca ay ku qabteen magaalada Gurceel kaasi oo ay ku sheegeen inay xildhibaanada ku sugan gobalka ay hareer mareen howlahoodii shaqo ee loo igmaday.


Dhinaca kale sarkaal ka tirsan ASWJ oo isaguna la hadlay daljir ayaa sheegay in xildhibaanadaasi ay hada faraha la galeen arimo aysan wax shaqaa ku lahayn, ka dib markii xildhibaanadu ay muujiyeen dhaqdhaqaaqyo u astaan eg dhisidda maamulada deegaanka kaasoo Ehlu sunna waljamaaca ay u aragto sharci darro maadaamaa deegaank ay iyaga ka taliyaan.


Diiwaanka Wararka daljir
Dhuuso-marreeb
(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: