HomeUncategorized

Xildhibaanada Barlamaanka Puntland oo Cod Gacan taag ah ku Riday Afhayeenkoodi

Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (Daljir) —Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta cod u qaaday mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Siciid Xasan Shire oo saakadii hore gurigiisa kaga dhawaaqay inuu is-casilay.

Caawa iyo Daljir_Axad Nov -11-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi_Nairobi Kenya
Amniga Degmada Cadaado oo Aad loo adkeeyay iyo ololaha Musharaxiinta oo wali socda
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal.

Arbaco, Oktoobar 28, 2015 (Daljir) —Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta cod u qaaday mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Siciid Xasan Shire oo saakadii hore gurigiisa kaga dhawaaqay inuu is-casilay.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdixakiin ayaa waxaa soo xaadirat 51-mudane, waxana cod gacan taag ah ku ogolaadan in kalsoonida lagala laabto Siciid Xasan Shire 47-mudane 2 xildhibaan way ka aamustay 2-kalen way diiday.

Waxaa laga hor akhriyay xildhibaanada mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka kaasoo dhowr qodob ahaa, laguna eedaynayo arrimo la xariira shaqadiisa sida inuu handadayo aragtida xildhibaanada, inuu dhunsaday lacagihii Baarlamaanka ee Hay’addaha ka imaanayay iyo inuu ku tagri falay awoodaha xilka hoggaanka.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in kalsoonidii ay xildhibaanada Baarlamaanku kala laabteen Siciid Xasan Shire.

Siciid Xasan Shirre ayaa saaka gurigiisa kaga dhawaaqay inuu is-casilay, waxa kale uu xaaraan ku tilmaamay mooshinka laga keenay oo aan lasoo marsiin, ciidanka saaka la wareegay ammaanka xarunta gollaha wakiiladda ayuu sheegay inay Inqilaab sameeyeen isla markasna uu soo diray madaxwayne ku xigeenka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: