Xildhibaan Odawaa “Guddoomiyaha Barlamaanka wuxuu mashruuc ku soo qaatay in Baarlamaanka uu xiro”

Xildhibaan Odawaa “Guddoomiyaha Barlamaanka wuxuu mashruuc ku soo qaatay in Baarlamaanka uu xiro”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa eedeyn u jeediyay Gudoonka Golaha Shacabka oo uu sheegay in uu mashruuc kusoo qaatay Burburinta Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin in la xiro Golaha Shacabka inta lacago yaryar lasoo qaato, taasina aysan sharciga waafaqsaneyn.

Waxa uu u soo jeediyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan inuu ixtiraamo sharciga, isagoo intaa ku daray in aanay aqbali doonin in Golaha Shacabka sidii la doono laga yeesho.

“Guddoonka baarlamaanka mashruuca ayuu soo qaatay ee ah inuu baarlamaanka af xiro, mana aqbaleyno, Guddoomiyaha waxaan ka codsaneynaa inuu sharciga aqbalo, ixtiraamo, Dhageysto, Gudoomiyaha ma ahan Guddoomiye Kooxeed, waa Gudoomiyihii Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com