Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo [Mas’uuliyadii loo igmaday…]

HomeWararka

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo [Mas’uuliyadii loo igmaday…]

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Garowe ay kulmisay Madaxda maamul goboleedyada, Madaxda d

QM: “Somaliland waa in ay doorasho ka dhacdo”
Xeerka Caddaaladda Da’yarta Puntland oo Garoowe Laga Daah-furay (dhegeysi+sawirro)
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Magacaabay Guddi qiimeeya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Beledweyne

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Garowe ay kulmisay Madaxda maamul goboleedyada, Madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee is khilaafsanaa.

Axmed Diqi ayaa sheegay in mid ka mid ah Mas’uuliyadaha Madaxda Villa Somalila ay tahay isku heynta dalka, dadka iyo wada shaqeeyntooda iyo is walaaleynsiintooda, isagoo xusay in Madaxweyne Farmaajo uu gabay labadii sano uu xilka hayay.

“Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo muddo bil ka yar ay ka Soo wareegtay doorashadiisii wuxuu awood u yeeshay inuu isugu keeno hal magaalo iyo hal goob mas’uuliyiin farqi intaas le’eg uu u dhexeeyo taasoo ah mas’uuliyaddii loo igmaday madaxweyne Farmaajo ee uu dayacay”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi oo farriin u dirayay Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Madaxweyne Farmaajo markaan dhaqankeena baadiyaha dib ugu laabanno wuxuu u muuqaal eg yahey “nin xoolo la raaciyey, lagana sugayey inuu Soo daajiyo, ayagoo bad qabana reerka dib ugu Soo celiyo balse taa bedelkeeda dayacey ammaanadii loo dhiibay, isla markaana iska Soo hoyday ama reerkii dib ugu Soo noqday asagoon wax xoolo ahi gacanta ugu jirin, ayna intaas u dheer tahay in uusan wax welwel ka qabin waxa uu sameeyey”, taas oo kale marka aalaaba ay dhacdo reerka lagama waayi jirin wiil kale oo fariid ah oo xoolihii Baadi-gooba oo inta raadqaada raq iyo ruuxba wixii harey Soo caymiya”

Waxaan is-waydiin mudan dad muddo intaas le’eg aan salaanta iska qaadin, wax wada shaqayn ahina dhexmarin, oo hal meel ku qasbanaaday In duruuftu isugu keento nooca hadalka uu Madaxweyne Farmaajo ka horjeedin doono, kallimaadka uu isticmaali doono, dareenka wajigiisa ka muuqan doona iyo inuu ka faa’idaysan doono gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni iyo In kale ee laga yaabo In aysan dib u Soo noqon mudada yar ee xukunka uga harey!

Waxay noqotaba waqti dheer jawaabtu qaadan maysee ee Garoowey gartu taallaa maantay!?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: