Sanad kadib mashaariicdii madaxwayne Farmaajo uu ka dhagax dhigay Puntland oo aan la fulin

HomeWararka

Sanad kadib mashaariicdii madaxwayne Farmaajo uu ka dhagax dhigay Puntland oo aan la fulin

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta imaanaya Puntland, sanad kadib markii uu dhagax dhigay mashaariic

Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 58aad-(dhegayso|daawo)
Kheyre oo kala shiray wasaaradaha Maaliyada iyo Gaashaandhiga sidii duulaan loogu qaadilahaa Al-shabaab
WARKA FIIDNIMO | CABDIFATAAX CUMAR GEEDI | DALJIR QARDHO

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta imaanaya Puntland, sanad kadib markii uu dhagax dhigay mashaariic kalle duwan oo uu balanqaaday inuu isagu fulin doono.

Mashaariicda madaxwaynaha uu dhagax dhigay booqashadiisii 7dii Janaayo ee sanadkii 2018kii ayaa waxaa ka mid ah.

  1. Waddo laami oo isku xirta Garoowe iyo Eyl (222km)
  2. Waddo laami ah oo isku xirta Kala Bayr iyo Caluula (376 km)
  3. Waddo laami ah oo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo (264km)
  4. Dhismaha jaamacadda Umadda ee Qardho

Mashaariicdan ayaa madaxwaynuhu uu horay uu u sheegay inuu Puntland ka fulin doono, waxaana balanqaadkiisii aad usoo dhoweeyey shacabka qaybahooda kalle duwan.

Laakiin sanad kadib ayay dadku waxaa ay hadal hayaan inay ahayd hal ku dhigga igu sawirta , taasi oo ah oraah caan ka noqotay baraha bulshada, loona isticmaalo in sawiro la isaga qaado waxa ay dadku xiisaynayaan, taasi oo aan la fulin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: