Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta qaatay shahaadada xildhibaanno

HomeWararkaQormooyinka Daljir

Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta qaatay shahaadada xildhibaanno

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta qaatay shahaadada xildhibaanno. Inkastoo oo xilli hore la fili karay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishak

Liibaan Axmad: Miyay Soomaaliya Leedahay Bulsho Rayid ah?
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 39aad Dec 20, 2019 Xaawo Axmed (dhegayso)
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 38aad Dec 13, 2019 Xaawo Axmed (dhegayso)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta qaatay shahaadada xildhibaanno.
Inkastoo oo xilli hore la fili karay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qaadashada shaahada xildhibaannimo, haddana tobaneeyo casho kadib oo ay socotay shahaado siinta xildhibaannada maanta ayaa la arkay isoo guddoomaya caddaynta xildhibaannimo.
Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, horay wuxuu u ahaa siyaasi guddoomiye xisbi siyaasadeed ah, ahna musharrax madaxweyne, misna aad ugu cadcad fagaaraha looga doodo arrimaha dalka, siiba doorashada, isagoo ahaa mucaarad ku dhiirran isbaddel dhab ah oo dalkaan ka dhaca, markii uu xildhibaanka noqdayna isla halkii ayuu ka sii waday, isagoo aamisan marxaladaha adag ee amni, siyaasad iyo doorasho ee dalku ku jiro in looga bixi karo oo kaliya dhammaystirka doorashada iyo hirgalkeeda.
Shahaado qaadashadiisa maanta, joogistiisa Muqdisho iyo madasha xildhibaannada iyo diiwaangalkooda oo isla Muqdisho ah, marxaladda aqoonsiyo siinta xildhibaannada oo ahayd buundo kale oo ka tallaabid u baahnayd laftigeedu marka laga hadlayo geeddi-socodka doorashada, inahaasi oo dhan marka la eego waxay ahayd mid soo daahday, mar horana la fili karay in ay dhacdo shahaado qaadashadiisu.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: