HomeUncategorized

?Xeryo qaxooti oo lagu kala shaandheynayo dadka ka soo qulqulaya Soomaaliya ayaan ka furaynaa xadka labada dal? R/wasaaraha Kenya.

Nairobi, July, 21 - R/wasaaraha dalka Kenya Raila Odenga ayaa sheegay inay xadka labada dal ka furayaan xeryo qaxooti oo loogu talagalay in lagu kale saaro kumanaanka qaxootiga ah ee ka soo qulqulaya dalka Somaliya, kuwaas oo ay isugu darmatay abaar iyo colaad.

Warsaxaafadeed: R/Wasaare Gaas oo dalka dib ugu soo laabtay.
Gaashaan, wasiir al dawlaha maamul-wanaaga Puntland oo ka xog waramay wax qabadkeedkii dawlada Puntland. [Dhegaysi …]
DHEGEYSO-Barnaamijkii Martisoor ee Daljir iyo Axmed Sh M Tallman.

Nairobi, July, 21 – R/wasaaraha dalka Kenya Raila Odenga ayaa sheegay inay xadka labada dal ka furayaan xeryo qaxooti oo loogu talagalay in lagu kale saaro kumanaanka qaxootiga ah ee ka soo qulqulaya dalka Somaliya, kuwaas oo ay isugu darmatay abaar iyo colaad.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa?id oo uu galabta (Khamiis) ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalkiisa ayuu sheegay inay xaaladda Somalida abaartu iyo colaaduhu isugu tageen ay tahay mid khatar ah oo aan indhaha laga qarsan Karin.

Odinga ayaa ka codsaday dawladaha deeqda bixiya inay si degdeg ah kaalmo ula soo gaaraan dadkaasi, waxaana uu intaasi sii raaciyey in waxa hadda ka dib la sugaa ay tahay in xaaladdu ay faraha ka baxdo.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya waxaa maalin kasta taga qiyaastii 1,300 oo qof oo qaxooti ah, kuwaas oo qaarkood in ka badan 30 cisho ay jidka kusoo jiraan, haddiiba aysan jidka ku dhiman. Waxayna dadkaasi doonayaan inay ku biiraan xeryaha qaxootiga ka dib markii abaartu cayraysay.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: