HomeWararka

Xeerilaalinta war kasoo saartay Kiiska Ikraan Tahliil

Xeer Ilaaliyaha ciidamada qalabka sida Gen Cabdilaahi buule Kameey ayaa waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dowladda isagoo ka hadlaye kiiska sarkaala

James Swan oo Madaxda dowladda u jeediyey farriin ku saabsan COVID 19
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Tartan Aqooneed lagu soo gabagabeyeey Cabduwaaq (dhegayso)

Xeer Ilaaliyaha ciidamada qalabka sida Gen Cabdilaahi buule Kameey ayaa waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dowladda isagoo ka hadlaye kiiska sarkaaladan.
Genal Cabdullaahi Buule kamey ayaa shegay in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee Nisa Fahad yaasiin Xaaji Daahir, Ku simaha Taliyaha Nisa Gaanshale Sare Yaasiin Cabdilaahi fareey iyo Cabdilaahi Kulane.

Gen Kameey waxaa u cadeeye in haya’adda Nisa ay la shaqeysay guddiga iyaddo ka caawisay dhinac kastaa oo barista ah.

Sidoo kalenna xubnaha la baaray waxaa kamid ah Wadna Qabad iyo Sarkaal asma magaceeda lagu sheegay.

Gen Cabdilaahi Kameey ayaa sheegay iney soo cadaatay
1-in Nisa si hufan ula shaqeysay guddiga baaraye.
2-Inta barista lagu guddi jiray guddi uma aanu soo bixin cadeyn
muujineysa in sarkaalad ku maqan tahay gacanta saraakiisha Nisa.
3-Guddiga waxuu la wareegay gal baariseedka Nisa ee Sheegaya in Ikraan ay dileen Alshabaab.
Waxaana lagu soo xiray in cid kastaa oo warbixin ka heysaa ay la xariiraan haya’adaha dambi barista.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: