Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta tagay Baydhabo

HomeWararka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta tagay Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo Xeer ilaaliyah Guud ee Qaranka Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay. Waxaa Garoon

Maamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Nabadoon Baraawe lagu dilay (dhegayso)
Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wafdi uu hogaaminayo Xeer ilaaliyah Guud ee Qaranka Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay wasiiro, xildhibaan katirsan DGKGS iyo Guddomiyaha MaxkamaddaSare Ee Dowlad Goboleedka KGS Mudane Ahmed Ali Muuse.

Dr.Ahmed Ali Daahir ayaa sheegey in uu u yimid magaalada Baydhabo sidii uu ugu kuurgali lahaa qaabka uu u shaqeeyo Xabsigga iyo Garsooka KGS.

Soo dhaweyn ka dib waxaaa loo soo galbiyay Xaruunta Madaxtooyada Koonfur galbeed Halkaasi oo ay kullan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka KG Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye , iyagoo iska xog wareystey xaaladda dalka iyo ujeedka Maanta Baydhabo u gaareen.

Wafdiga Xeer Ilaaliyah Qaranka ayaa waxaa ay booqdeen Xarunta Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Waxana Halkaasi Ku soo dhaweyay Shaqaalaha Maxkamadda iyo Madaxdooda Kala Duwan.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa Waxa uu kormeeray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, isagoo Xaaladda Xabsiga iyo Maxaabiista Ku jirta warbixin ka dhagaystay Taliyaha Ciidanka Asluubta KGS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: