Maamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Nabadoon Baraawe lagu dilay (dhegayso)

Maamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Nabadoon Baraawe lagu dilay (dhegayso)

Dableey hubeysan oo aan Wali heybtooda la aqoonsan ayaa Xalay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose waxa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa Degmadaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sayidinaa Xaajoow ayaa rasaasta ka haleeshay Qaybaha Sare ee jirkiisa xilli uu kasoo Baxay Masaajid uu ku tukaday Salaadii Cishe.

Dhinaca kale Nabadoonkaan la dilay oo ay da,diisu ahayd 70jir ayaa lasoo shaqeeyay Maamuladii ugu dambeeyay ee soo Maray Magaaladaasi.
Hadaba Dilka Nabdoonka iyo Howlgalo Ciidanka amaanku ay Sameeyeen waxaa Radio Daljir uga waramay Gudoomiyaha Degmadaas Xuseen Barre Maxamed (Xuseen jeex)

Maxamed Lakiman oo ku sugan Daljir Garoowe ayaa Gudoomiyaha Waraystay, waxaana uu ugu uuhoreyn waydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo Dilka sida uu udhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com