Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada oo Amray in la baaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax

HomeWararka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada oo Amray in la baaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaali

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Barnaamijka Xulshada Deeqa Bashir ||Daljir Bosaaso.
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO 22-JANUARY-2023

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan.Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka ay ka maqan tahay Ikraan Tahliil.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay in Ikraan Tahliil oo ka mid ahayd Nabadsugida gurigeeda ay ka kaxeysteen saraakiil ka tirsan ciidamada Nabadsugida isla markaana aan la ogeyn halka la geeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: