Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Xildhibaan Jubba

Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Xildhibaan Jubba

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu ahaa nin dhallinyara oo door firfircoon ku dhex lahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo jannatul fardowsa Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com