Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baaq in dagaal Alshabab loo midoobo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia, wuxuuna maalinta berito ah kusoo wajahan yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa marka uu yimaado kadib, waxaa dalka Ethiopia loo qaadidoonaa dhaawacyada garaabka ah ee ku waxyeeloobay weeraradii argigixiso ee maanta ka dhacay Gaalkacyo, kuwaasoo shacab badan lagu laayay.

Dhaawacyada ayaa lagu qaadidoonaa diyaaradda madaxweyne Gaas keenaysa magaalada Gaalkacyo, taasoo gayndoonta isbitaal milateri oo kuyaala dalka Ethoipia, kadib markii madaxweynaha dowladda Puntland uu kala hadlay dalka Ethiopia in dhaawacyada xaaladooda liidato dalka Ethoipia lagusoo daaweeyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0