Madaxweyne Gaas oo Galkacyo ku wajahan iyo dhaawacyo laqaadayo.

Galkacyo, Aug 22 2016–Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia, wuxuuna maalinta berito ah kusoo wajahan yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.    

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dalka Ethiopia loo qaadidoonaa dhaawacyada garaabka ah ee ku waxyeeloobay weeraradii argigixiso ee maanta ka dhacay Gaalkacyo, kuwaasoo shacab badan lagu laayay.  

Dhaawacyada ayaa lagu qaadidoonaa diyaaradda madaxweyne Gaas keenaysa magaalada Gaalkacyo, taasoo gayndoonta isbitaal milateri oo kuyaala dalka Ethoipia, kadib markii madaxweynaha dowladda Puntland uu kala hadlay dalka Ethiopia in dhaawacyada xaaladooda liidato dalka Ethoipia lagusoo daaweeyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com