Xarunta Daljir Bosaso oo hawada kuvsoo laabatay kaddib muddo kooban oo booliska Puntland hawada ka saaray

HomeWararka

Xarunta Daljir Bosaso oo hawada kuvsoo laabatay kaddib muddo kooban oo booliska Puntland hawada ka saaray

Warbaahinta Daljir xarunteeda magaalada Bossaso oo Booliska Puntland hawada ka saaray subaxnimadii saakay xilli uu baahayay barnaamijka Muuqaalka Buls

Kulan looga hadlayeey Nabadeynta Somaaliya oo Muqdisho lagu qabtay (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe ( dhegayso | daawo )
Wasiirka Boosta iyo wafdi uu hogaaminayay oo Caabudwaaq lagu soo dhaweey (Sawiro)

Warbaahinta Daljir xarunteeda magaalada Bossaso oo Booliska Puntland hawada ka saaray subaxnimadii saakay xilli uu baahayay barnaamijka Muuqaalka Bulshaada ayaa dib ugu soo laabatay hawada. Taliye kuxigeenka qaybta booliska gobolka Bari oo wata ciidamo aad u hubeysan ayaa shaqaalaha idaacadda ku amray in ay idaacadda damiyaan. Taliyaha ayaan wadan wax sharci maxkamadeed ah oo maxkamaddu ku amreyso xiritaanka Daljir Bossaso.

Radio Daljir ayaa hawada ku soo laabatay kadib go’aan maamul iyo midka ururka suxuufiyiinta Puntland ee MAP maadaama aysan jirin warqad maxkamadeed oo Daljir Bossaso hawada looga saaray.

Guddoomiyaha ururka MAP Md. Caysane ayaa u sheegay Daljir in ay hawada ku soo laabato, maadaama sida uu sharciga yahay warbaahinta go’aan maxkamadeed oo kaliya hawada looga saari karo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: