HomeUncategorized

?Xarigaygu ma ahayn mid ku salaysan arrimo siyaasadeed, ee dhacdo lama filaan ah ayay ahayd? Xildhibaan Xaange.

Garowe, Nov, 02 ? Xildhibaan Xassan Xaange Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Putland oo dhawaan ay xirtay dawladda Ethopia ayaa sheegay in xariguusu uusan ahayn mid la xiriira arrimo siyaasadeed.

Ciidamada badda ee dowladda Puntland oo mashruuc waxbarsho ka hirgaliyay deegaanka Bendersiyaada ee duleedka Boosaso
Cambaarayn & Baaq Nabadeed – dilalka iyo amni darida la soo daristay Puntland – Boqor C/llaahi Boqor Muuse.
Ruushka oo labo-jibbaaray duqaymaha uu u gaysto dalka Suuriya

Garowe, Nov, 02 ? Xildhibaan Xassan Xaange Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Putland oo dhawaan ay xirtay dawladda Ethopia ayaa sheegay in xariguusu uusan ahayn mid la xiriira arrimo siyaasadeed, balse uu ahaa dhacdo lama filaan ah oo la kulantay.

Xildhibaan Xaange oo maantay waraysi siiyay Radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Ethopia ay raali-galin ka bixisay xarigaasi, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay bad-baado u noqotay kaddib markii uu la soo baxay waraaqo aqoon-si ah, oo qeexaya fasaxii uu shaqada uga tagay, iyo aqoon-sigiisa barlamaannimo.

Md. Xassan Xaange Maxamed ayaa mahad-ballaaran u jeediyay madaxda dawladda Puntland oo waqti badan ku lumisay sidii ay dib xorriyadiisa ugu soo celin-lahaayeen, waxaana uu si gaar ah u ammaanay kuxiggeenka madaxwaynaha dawladda Puntland General C/samad Cali Shire oo dhawaan dalka Ethopia safar uu ku gaaray kala xaajooday arrimo badan oo ay ka mid tahay xiritaanka xildhibaanka, iyo sidii dib xorriyadiisa loogu soo celin-lahaa.

Waa mudahaniii ugu horeeyay oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo xukuumadda Ethopia ay xarig u gaysato, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay si xawli ah u soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Puntland iyo Ethopia.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?
Radio Daljir – Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: