Xal la sheegay in laga gaaray Khilaafkii waxbarashada ee Puntland & DFS (daawo)

Xal la sheegay in laga gaaray Khilaafkii waxbarashada ee Puntland & DFS (daawo)

Waxaa xal laga gaaray Khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntlnd oo salka ku hayay qaadista Imtixaanka sanad dugsiyeedka iyo bixinta Shahaadaha Ardayda.

Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo Warbaahinta la hadlay waxa sheegeen in xal laga gaaray khilaafka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu u ballanqaaday in Shahaada Dugsiga ee Ardayda Puntland la siinayo.

Illaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia iyo Wasaaradda Waxbarashada DFS iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Daawo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 4 years ago

    Mahadaada was maxaa keeney in sanadba sanadka kadambeeya in puntland muran dhex taagnaato
    Wadanka sharci buu leeyahay waa
    In loo hogaansanaadaa guud ahaan qofka ku gefana talaabada uu
    Mutausto uu maraa dugaagiinaa
    Puntland baan matalaa nala hortaagan ( SOMALINIMADU MA AHA
    AYAD QURAAN AH IYO XADIITHU NABAWI
    WAXBAA LAWADA YAGLEESHEY HADII AY
    SOCON WAYSO FATA SHIRUU FIL ARLI
    WUXUUSHTANI CABASHADA BADAN

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com