Xaflad lagu adkaynayo heshiiskii laga gaaray xurguftii colaadeed ee Saaxmaygaag

Xaflad lagu adkaynayo heshiiskii laga gaaray xurguftii colaadeed ee Saaxmaygaag

Xaflad lagu adkaynayo heshiiskii laga gaaray xurguftii colaadeed ee Saaxmaygaag oo xalay Garowe ka dhacday.

Xalay waxaa loo xafladeed heshiis ka gaaristii xurguftii colaadeed ee deegaanka Saaxmaygaaga, xafladdaasi oo lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xafladdaasi oo ahayd mid casho oo aad u ballaaran waxaa ka qaybgalay madax iskugu jira golayaasha dawladda Puntland, dhinacyadii heshiiska, guddigii nabadaynta, issimo dhaqan iyo wax-ku-ool badan oo qaybaha bulshada ah.

Casho sharafeedkaasi xalay, badankeeda waxaa xoogga lagu saaray ka xog iyo xaal warramid marxaladihii laga soo maray xal ka gaaridda xiisaddii colaadeed ee Saaxmaygaag, taasoo dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhasheen, balse sida muuqata la iskaga soo hoyday wixii horay u kala gaaray dadka ehelada iyo ood-wadaagta ah.

Madasha waxaa laga jeediyey hadallo sidoo kale taabanayey duco iyo dardaaran dhinacyada ah, laguna dhiirrinayey uguuxidda nabadda iyo ka dheeraanshaha waxkasta oo wax u dhimi kara wanaagga, walalnimada iyo nabadweynta laga gaaray arrinkaasi dhibeed.

Shalay ayay ahayd markii la shaaciyey heshiiska la dhax-dhigay eheladii urtumuhu kala gaareen, balse mar dambe oo isla shalay ahayd waxaa la dheehday tabasho tirsi qaybo bulasho ka soo yeeray, siiba deegaanka Boocame, inkastoo milicsigeeda iyo maaro-u-raadintaadaba madasha casho laga sheegay.

Badanka deegaannada Soomaaliyeed, colaadda qabiilku waa ka soo jireen, waxaana badan ay ka fuftaa kala shaxeexaysi xagga daaqa, deegaanka iyo biyaha la xiriira, balse aakhirka waa tii wada-hadal nabadeed ku dhammaata.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com