XAALADDA LAASCAANOOD Sannadkii 2007 illaa iyo Maanta

XAALADDA LAASCAANOOD Sannadkii 2007 illaa iyo Maanta

Dagaalka Laascaanood waa u maalinkii 21aad, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafayna waxay u ahayd maalmihii ugu kharaaraa. Shalay, 25 Febraayo 2023, waxaa dhacay dagaalkii ugu khasaaraha badnaa, illaa hadda dad ka badan 35 qof oo dadkii magaalada ah ayaa dhintay, halka ku dhawaad 80 kalena ku dhaawacmeen, waa xogta isbitaaladu ay xaqiijiyeen.

Haddaba sidee dagaalka Laascaanood ku biloowday, maxaa se sababay in dagaal dhaco?

Deegaanka SSC

Deegaanadda SSC waxay dhacaan dhulka dooxada Nugaaleed, hawd, dhulka soolka iyo koonfurta gobolka Sanaag, waa dhul xoolo daaqeen ah, saraynta dhaqanka, hal abuurka maansada, hab nololeedka dhaqasho qani ku ah, dagaalka hadda socda iyo waxyaalaha kelifay ayaan wax yar ku dul istaagi qormadaan.

Sanadkii 2007 ayaa Soomaaliland xoog ku qabsatay Laascaanood iyo degaammo ku dhow. Dadka guduhu waxay u arkeen in maamul aysan dhismihiisa wax ku lahayn uu qabsaday, waxaa dhashay tuhumo; sida qabiil ay deris yihiin oo colaaddo badani soo dhex mareen haddii uu maamulo xaalka noqon doono, waxaa abuurmay shaki iyo aamin daro.

Odayaasha deegaanku waxay kuu sheegayaan in maamulkii Soomaaliland markay qabsadeen gudagaleen tabo salka ku haya kala qaybiin, dumin, burburin, isku dir, xabsi gelin iyo dadka oo loo xirto, laguna soo daayo madax furasho dhaqaale. Tusaale, qof ayey dilayaan sirdoonkoodu, waxayna u xirxirayaan beel kale oo isla deegaanka ah oo aan wax shuqul ah ku lahayn dilka, kadibna labada beelood tuhumo ayaa kala gelaya, waxay gaartaa gacan ka hadal, markii qabaa’ilkii hab dhaqankoodii ku xalistaan xasaraddii oogantay ayey beeshii ay xirxireen haddana qof ka dilaan, waxayna u xirxiraan dad ka mid ah beeshii horey wax looga dillay, arrimahaani waxay keneen in qabaa’ilkii madaxa isla galaan, waxaana bilowday dagaallo lagu hoobtay oo dad badani ku dhinteen oo qabaa’ilka SSC ka dhex dhacay, ujeedkaa denbiyadaan ay u abaabulayaan waa in dadku u kala dhuuntaan, si ay uga soo helaan xoogaa sandareero ah iyo hub ay qabaa’ilka isku dilaan.

Dagaalku side ku bilowday?

Waxaa la dilay Sheek Cabdinasir 22 Febaraayo 2022, dilka Sheekhu wuxuu xoojiyey tuhunkii laga qabay cidda dilalka geysanaysa, waxaana dib loo akhriyey xaaladdihii soo dhacay, iyadoo shakiga la qabo xoogaystay ayna socdaan shirar hoose ayaa la dillay AHU Hadraawi Sangub, waxayna butaacisay cadhadii dadka, banaanbaxyo ayaa bilowday, maleeshiyadii Somaliland si toos ah ayey dadkii u laayeen, waxayna tuseen in aysan wax dan ah ka lahayn nolosha dadka deegaanka, markii rabshadihii u dhexeeyey maleeshiyada hubaysnayd iyo shicibka socotay laba todobaad, laguna dilay 21 qof, tiro badanna dhaawaceen, kacdoonkii wuxuu isu bedelay mid hubaysan, dadkiina qoryahooda ayey guryaha kala soo baxeen, kaasoo keenay in maleeshiyadii Somaliland magalada laga saaro.

Magalada markii dadkii deegaanku gacanta ku dhigeen, waxaa abuurmay jawi miyir qab, waxaa isugu soo ururay isimo, cuqaal, culimo iyo aqoonyahan aan qaarkood 15 sano ee Somaliland maamulaysan imaan. Waxaase la yaab lahayd sida degdegga ah ee dadkaasi isu abaabuleen una qabanqaabiyeen gogol dadku isugu yimaaddo, iyadoo culays ciidan, siyaasad, kala qaybsanaan, amni iyo dhaqaale saaran yahay.

Intii shirku socday maleeshiyada Somaliland waxay isku dayeen in ay docodocaystaan oo haddii ay dhexgeli karaan ay saamayn ku yeeshaan go’aamada, isku dayagaasi ma guulaysan, waxayna qaateen go’aan ah intaan shirka go’aamadiisu soo bixin in ay ka hor tagaan oo magalada dib u qabsadaan, halkaana waxaa ka bilowday dagaalka maalinta labaatanaad socda.

Dagaalka waxaa la isugu abaabulay hab qabiil, si ay u fududaato isku xirka iyo kala warqabka, tani waxay dhalisay in jilib kasta uu iska ururiyo qaadhaan isaga u gaar ah, si ciidanka loogu helo rasaas, cunno iyo taakulo.

Dadka gudaha Laascaanood

Hubka ugu wanaagsan ee reer SSC haystaan waa midnimada iyo wada jirka, waxayna tani abuurtay in ay la yimaadaan adkaysi iyo samir ay u yeeshaan culayska dagaalka. Waxaana caddayn u ah sida sarraysa ee dadku isugu xiranyihiin, ugana jawaabayaan baahiyaha degdegga ah ee aagagga dagaalka ay ku gaarsiinayaan sahayda biyaha, cunnada iyo saadka kale.

Oday Cabdirisaaq oo ah nin da’da 70 jir ah oo qori dhexda haysta oo aan meel kula sheekaystay wuxuu yiri, “waxaan ahayn dil sugayaal kulligeen, qoriga saaka magalada yaal waa mid aan ku qabo amni oo waxay yihiin ayaan garanayaa,” waa hadal meelo badan taabanaya.

Waxaa kale oo la yaab leh waa bahda caafimaadka gobolka ee ka hawl gala isbitalka guud iyo isbitaaladda gaarka loo leeyahay, hawlwadeenada caafimaad oo habeen iyo maalin shaqaynaya, iyagoo la tacalaya culaysyada dhaawac ka badan xadkii caadiga ahaa.

Ugu danbayn dadka reer SSC dagaalka ay manta ku jiraan waa mid dani ku khasabtay, ayna u tahay isha ay ku sii noolaan karaan, magalada Laascaanood oo rag hubaysan buuxdhaafiyey, daafaheedana dagaal ka socdo kuma dareemaysid markaad dhexmarayso cabsi ah in cid aan la garanayn ku disho, waana sabab kamid ah kuwii ay u dagalameen.

WQ: Maxamed Xasan Cirro

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com