Xaafado kamid ah Muqdisho oo laga qaxay iyo ciidaadii Mucaaradka oo isaga guuray agagaarka Madaxtooyada

HomeWararka

Xaafado kamid ah Muqdisho oo laga qaxay iyo ciidaadii Mucaaradka oo isaga guuray agagaarka Madaxtooyada

Ciidamadda Mucaaradka ee taageersanaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq John Iyo General Indhacadde ayaa Isaga guuray agagaarka Ma

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ciidamadda Mucaaradka ee taageersanaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq John Iyo General Indhacadde ayaa Isaga guuray agagaarka Madaxtooyaddii Cabdi Qaasim ee degmada Hodonn iyagoo degey xaafada Siigaale oo aan ka fogeyn halkii ay hore fariisimada ugu lahaayen.

Ciidamadda Ammaanka ee Dowladda Farmaajo ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka halkaasoo horey ugu sugnaayeen ciidamo taabacsan Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, General Indhacadde iyo Saadaq John.

Lama oga sababta keentay inay ka guuraan xaruntii ay ku sugnaayeen ciidamadan hase yeeshee halka ay u uguureen ayaa ah meel istiraatiiji ah oo ku wanaagsan dagaalada magaalada waxaana ay ku sii dhowaadeen madaxtooyada qaranka.

Dadka degenaa xaafada Siigaale ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda xalay saqdii dhexe kadib markii ay ka warheleen ciidamada soo degey.

Xaalada magaalada ayaa degen inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalka maruun uu bilowday.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: