Antonio Guterres: ”Waa in dib loogu laabtaa heshiiskii doorasho ee Sep 17″

HomeWararka

Antonio Guterres: ”Waa in dib loogu laabtaa heshiiskii doorasho ee Sep 17″

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud uu aad uga walaacsanyahay iska hor imaady

Shacabka Qardho oo Hambalyo U Diray Qaari Ciise Cabdinuur Cashuur (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayeey Munaasabada 1da August
Golaha Wasiirada Jubbaland oo meel mariyay sharciga dhismaha Golaha Adeega Garsoorka

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud uu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Sidoo kale Xoghayaha-Guud wuxuu ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”

Waxaa soo baxaya baaqyada heer caalami ee ku aadan qaboojinta xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa baaqyadan ay imanayaan xilli kumanaan qoys ay isaga barakacayaan qeybo ka mid ah caasimada dalka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: