WFP oo gurmad raashin u badan gaarsiisay shacabka Baladweyne

HomeWararka

WFP oo gurmad raashin u badan gaarsiisay shacabka Baladweyne

Qaramada Midoobe ayaa ku biirtay dadaalada sida deg degga ah taakulada loogu fidinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Beledweyne. Barnaamijka Cun

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya
Waa Sidee Xaaladda Bossaso Kaddib Qarixii Xalay?

Qaramada Midoobe ayaa ku biirtay dadaalada sida deg degga ah taakulada loogu fidinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Beledweyne.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), waaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay, iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen inay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiya sigaar ah Magaalada Baladweyne.

Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya, Kaaba Arroyo, ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya si ay u gaarsiiso agabyada gargaarka qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha.

Arroyo wuxuu intaas ku daray in WFP ay sii wadi doonto bixinta cuntada si ay u taageerto ilaa 4,000 oo qoys, ama qiyaastii 24,000 ka-si ay uga faa’iideestaan.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: