Weraarkii lagu qaaday galabta Hotelka Elite oo khasaaraha ka dhashay warar dheraad ah kaso baxayan

Weraarkii lagu qaaday galabta Hotelka  Elite oo khasaaraha ka dhashay warar dheraad ah kaso baxayan

Muqdisho waxaa warar dheraad ah ka soo baxayaan weraar xoogan oo la adeegsaday qaraxyo oo ka dhacay Hoteelka Elite ee kuyaala Xeebta Liido.

Qaraxa kadib dabley huubaysan ayaa gudaha u galay Hoteelka iyado uu jiro khasaare ka dhashay isuguna jira dhimasho iyo dhawaac.

Weraarkaas waxaa ku geeriyooday saraakil ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwo ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaaliya.

Agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid noqday dadka ku dhintay Qaraxa ka dhacay Hoteellada Elite oo ku yaalla xeebta Liido.

Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington ayaa isna ku dhawaacmay weraarkaas lagu qaaday hoteelka.

Kooxda Alshabaab ayaa la rumaysanyahay inay werararkan Qaraxyada ku bilowday inay qaaday balse wali dowlada kama hadlin oo faahfaahin dheraad ah kama bixin.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com