Weeraro argagaxiso ah oo laga digey in lagu qaado garoonka diyaaradaha Kabul

HomeWararka

Weeraro argagaxiso ah oo laga digey in lagu qaado garoonka diyaaradaha Kabul

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ayaa sheegaya in ay jirto khatar aad u sareyso oo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis dhinac Tayo-dhowrka ah
RW Xasan Cali Khayre oo kormeeray Xarumo Cafimaad (Sawiro)
Juxa iyo Kormeerkiisii Xafiiska Laanta Socdaalka DFS (dhegayso)

Qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ayaa sheegaya in ay jirto khatar aad u sareyso oo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxayna muwaadiniintooda uga digeen in ay halkaas u safraan.

Australia, Mareykanka iyo UK ayaa soo saaray digniin ku socota muwaadiniintooda, waxayna kuwa aan weli soo gaarin gegida dayuuradaha ee ku sugan gudaha Afghanistan, lagula talinayaa in ay si degdeg ah uga baxaan aaggaasi.

In ka badan 82,000 ayaa diyaarad loogaga soo qaaday Kabul, oo gacanta u gashay ururka Taaliban, 10 maalmood ka hor.

Wadamada waxay ku degdegayaan in ay dadka ka daadgureeyaan ka hor 31 bishan August, oo ah xilliga kama dambeysta ah ee ay ku egtahay daad-gureynta.
Kumanaan ruu ayaa ku sugan gudaha iyo dibadda garoonka diyaaradaha, iyagoo rajeynaya in ay mar uun ka duulaan dalka Afghanistan.

Taalibaan ayaa diiday in la kordhiyo muddadaasi balse waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay u oggolaan doonaan ajaanibta iyo dadka reer Afghanistan, inay dalka ka baxaan wixii ka dambeeya wakhtiga kama dambeysta ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: