Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka dhacay degaanka laanta buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda kuleeyihiin degaanka laanta buuro, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in intii uu dagaalka socday ay Ciidamada howlgalka ATMIS madaafiic ku garaaceen dhinaca uu kaga yimid weerarka Al-Shabaab balse aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday intii uu dagaalka socday, iyaga oo ka baqdin qabay inay waxyeelo kasoo gaarto balse ay ka badbaadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka laanta buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo inta badan ay degan yihiin dad xoolaleey ah ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com