
Taleex, Nov, 13 ? Shir-jaraa?id oo ay maantay ku qabteen degmada Tukaraq ee gobolka Sool qaar ka mida waxgaradka degmada Taleex ayay uga hadleen aragtidooda ku aadan shirka Khaatumo 2 ee dhawaan ka furmi doona Taleex, waxaana cuqaashu qaban qaabada shirkaasi ku tilmaameen mid la marin habaabiyay.
Caaqil Shiine Cali Shire oo ka mida duubabka dhaqanka degmada Taleex ayaa wax-aad loola yaabo ku timaamay habka ay wax u agaasimayaan guddiyada loo igmaday qaban-qaabada shirka, waxaana uu si wayn uga digay khilaaf soo wajahi-kara shirkaasi.
Shirkaan jaraa?id ee maantay cuqaashu ay ku qabteen Tukaraq ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay waxgarad kale duwan oo isku aragti ka ah saluugida hab-maamulka shirka, waxayna jaaliyadda dibadda ee shirka qaban-qaabinaysa ay ugu baaqeen in si dhaqso ah wax-looga badalo qaab-hawleedka loo qorsheeyay shirka, iyo guddiyada loo xushay agaasinka shirka.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN