HomeUncategorized

?Waxaani dadnimo ma ahan, damiirka qofka bini?aadanka ahna ma gali karto, waxayna sharaf-dhac ku tahay jiritaankeenna in maalin walba horteenna lagu laayo labeentii bulshadeenna? Guddoomiye Tigay.

Caption ...

Kenya oo Cafiska u kordhisay Dhalinyarada ka soo Goosanaya Al-shabaab
Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo dhismihiisa la bilaabayo (Dhegayso)
Guddi Xal-u Hela xiisadaha Gaalkacyo oo la Magacaabay

Galkacyo, Sept 24 ? Guddoomiyaha gobolka Mudug oo maanta waraysi siiyey Radio Daljir ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Galkacyo oo kii ugu dambeeyey isaga fiidnimadii xalay ahayd lala beegsaday, inkastoo aysan waxba ka soo gaarin.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ?Tigay?, ayaa falalka ammaan darro ee Galkacyo ku tilmaamay wax laga xumaado oo nasiib darro ku ah ummadda gobolka, taasoo uu sheegay in ay dugaalsanayso awood-darrida dawladeed iyo isku-duulni la?aanta qaybaha bulsho ee gobolka deggan.

Md. Maxamed Yuusuf Jaamac, waxaa uu ku tilmaamay dadka falalka dilalka ah iyo qaraxyada ka gaysta magaalada Galkacyo in ay yihiin kuwo la dagaalamaya diinta alle iyo dadkiisa muslimiinta ahba, waxaana uu tusaalayaal u soo qaatay dhammaan dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Galkacyo ee lagu dilay in badan oo ka mid ah indheer-garadka bulshada gobolka Mudug, kuwaasi oo dilalkoodu ay dhaceen xilli ay masaajid ka yimaadeen ama ay ku sii socdeen.

?Waxaani dadnimo ma ahan, damiirka qofka bini?aadanka ahna ma gali karto, waxayna sharaf-dhac weyn ku tahay jiritaankeenna ummadnimo in maalin walba horteenna lagu laayo labeentii bulshadeenna misna aynaan aqoon cidda na laynaysa ayuu yiri guddoomiyaha gobolku, isagoo intaasi sii raaciyey ?waa in dadku fadhiga ka kacaan iskana dhiciyaan cadawga ku soo duulay jiritaankooda?.

Guddoomiyuhu, waxaa dhinaca kale uu sheegay dadweynaha gobolka, maamul iyo shacaba in ay ceeb iyo fadeexad ku tahay maalinkasta iyo habeenkasta hortooda in lagu toogto qofkii ay dadka ugu jeclaayeen, misna aysan qaadin wax tallaabo oo ay ku beegsanayaan dadka dhibaatada gaysanaya.

Hadalladaan aadka u xamaasadaysan ee guddoomiyaha gobolka ayaa yimid kaddib markii ay aad u kordheen falalka dilalka iyo qaraxyada iskugu jira ee lala bar-tilmaameedsanyo wax-ku-oolka bulshada, waxaana falalka amni xumo ee Galkacyo ku caan noqotay ugu dambeeyey midkii xalay isla guddoomiyaha naftigiisa lala eegtay kaasoo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah illaaladiisa.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: