Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland oo La Dhaariyey

HomeWararka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland oo La Dhaariyey

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuu

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Togga Yalho ee Bosaso iyo Qardho oo qaaday laba qof
Pakistan oo Indiya oo ku wareejisay duuliyihii ay qabatay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada loo igmaday ee shacabka Puntland ay ka sugayaan, waxaa uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inuu waxkasta ka hormariyo waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah ee uu u dhaartay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland Maxamed Rooble Cabdi inuu u fududeeyo shaqadiisa, kuna asturo xilkaas loo idmaday

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: