Pakistan oo Indiya oo ku wareejisay duuliyihii ay qabatay

Pakistan oo Indiya oo ku wareejisay duuliyihii ay qabatay

Dowladda Pakistan ayaa ku wareejisay masuuliyiinta dowladda Indiya  ee ku sugan xuduudka dalkaasi uu la wadaago Pakistan ee Wagah duuliyaha diyaaradda dagaalka ee Indiya oo dhowaan Paksitan ay gacanta ku dhigtay, iyadoona soo riday diyaaraddii uu la socday, arintaasi oo sare usii qaaday xiisadda labada dal ee koonfurta Aasiya.

Abhinandan Varthaman ayaa laga sii gudbiyay xadka Wagah-Attari oo ay joogeen masuuliyiinta Indiya abaarre 9pm ee  habeenimadii Jimcaha ee waqtiga dalkaasi.

Siidayntiisa ayaa ka dambaysay kadib laba maalmood kahor markii sae u kacday xiisadda labada dowladood ee haysta hubka Nukliyeerka ee Pakistan iyo Indiya oo ku muransan dhulka Kashmiir ilaa iyo sanadkii 1947dii.

War Qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay Varthaman in dib loogu celiyay Indiya, iyadoo si sharaf leh loola dhaqmay, intii uu ku jiray xabsi guriga Pakistan.

Raysal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in arrintan hoos u dhigi doonto xiisadda labada wadan oo cirka isku shareertay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dhanka kalle raysal wasaaraha Indiya ayaa soo dhoweeyey talaabada Pakistan ay qaaday, isagoona ku tilmaamay inay fulisay mid ka mid ah shuruucda caalamiga ee maxaabiista dagaalka.

Pakistan ayaa todobaadkii hore sheegtay inay soo riday laba diyaaradood oo kusoo xadgudbay hawadeeda sare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com