Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo xaflad Sagootin ah loo Qabtay

Arbaco, Juun 24, 2015 (Daljir)_ Madaxda  ugu sareysa wasaaradda waxbarashadaiyo tacliinta sare dowladda Puntland iyo howl-wadeenada wasaaradda ayaa xalay casho sharaf sagootin ah la qaatay wasiirki hore ee wasaaradda waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji oo dib ugu soo laabtay Puntland ka dib safar shaqo oo u muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa ,waxaana munaasbadda sagootinka ah  ka soo qaybb-galay mas’uuliyiin kala duwan.

Wasiirka waxbarashada Cali Xaaji ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan-yahay mudadii uu ka shaqaynayay gudaha dalka ,isla markaana dalka uu u baahan-yahay in laga hormariyo dhinacyo badan oo waxbarashadu ay kamid tahay.

Madaxweynaha Puntland ayaa isku shaandhayn uu sameeyay xilka kaga qaaday Cali Xaaji oo ahaa wasiirka waxbarashada Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com