Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la kulmay Safiirka Turkiga

HomeWararka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo la kulmay Safiirka Turkiga

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar

Xasan Jabhad: “Waa nala haystaa nala gumeystaa halgan baa nagu waajiba … Mustafe asna carada ha ka koro oo dadka ha hoggaamiyo” (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Trump oo garsooraha maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horey u wada galeen wasaaradaha labada dowladood ee walaalaha ah.

Kulanka labada mas’uul ayaa maanta ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, iyadoo la isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: