Trump oo garsooraha maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret

HomeWararka

Trump oo garsooraha maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret

Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump ayaa u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka. Madaxwayna Tr

Barnaamijkii dhir beerista ee ahaa Guri iyo Geed iyo guulihii ay ka gaareen Dhalinyarada gobolka Mudug (dhegayso)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil (Dhegayso)

Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump ayaa u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka.

Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayey iyada oo ay garab taagantahay Amy Coney Barrett ayaa waxaa uu ku tilmaamay haweeney guulo waawayn gaartay
Amy Coney Barrett oo hadal kooban jeedisay ayaa madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda inay noqoto garsooraha maxkamda ugu sareysa Mareykanka.

Dhinaca kale xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett .
Musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga Joe Biden ayaa ugu baaqay aqalka Sanetka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxwaynanimadaa ee bisha November.

“Haddii ay aqalka sanetka ay ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada oo ay da’deeda ahayd 87 sano jir.
Soo xulidda uu maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Sanetka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ay dhacayso bisha November ay fooda inagu soo hayso.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: