Wasiirka Tamarta DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Turkiga

HomeWararka

Wasiirka Tamarta DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsana

R/W Xigeenka DFS oo Tacsiyadeeyay Fanaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed oo Geeriyootay
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Deegaanada Puntland oo kala baranaya sida loo ilaaliyo deegaanka (Dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow inay yeeshaan Wasaaradda iyo Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: