Wasiirka Cusub ee wasaaradda waxbarashadda DFS oo xilka la wareegay

HomeWararka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda waxbarashadda DFS oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashad

Trump oo ku dhawaaqay Go’aan ka dhan ah dalalka Yurub
Madaxweyne Qoorqoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab
Al-Shabaab oo xubno katirsanaa kooxdooda dilay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo wasiir ku xigeenka hore ee wasaaradda waxbarashadda faysal Cumar Guuleed waxa uuna ku booriyey Wasiirka cusub in uu sii xoojiyo qorshaha horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Waxbarashada ayaa ka warbixiyay howlihii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Wasaaradda Waxbarashada mudadii uu ka mid ka ahaa mas’uuliyiinta waxbarashada , una rajeeyey wasiirka cusub in uu ku guuleysto howsha dhiman.

Wasiirka cusub ee Waxbarashada Eng C/laahi Abuukar Xaaji ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbasharadu ay muhiimad weyn u leedahay Xukuumaddiisa, isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka iyo isku xirka hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya waxbarashada dalka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: