Wasiirka cusub ee Amniga oo Xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Amniga oo Xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Amniga Cabdilaahi Maxamed Nuur ayaa la wareegay xilka, waxaana goobjoog ka ahaa goobta ay xilwareejintu ka dhacaysay RW Rooble iyo Wasiirka Cadaalada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.

Xil wareejinta wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli wasiirkii xilka laga qaaday ee Xasan xundubeey Jimcaale uu sheegay in xil wareejin afduub ah ay Maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com