Wasiirka Beyle oo ka qeybgalay shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Beyle oo ka qeybgalay shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaae Beyle ayaa ka qeyb- galay shirka Iskaashiga dalalka Geeska Afrika ee loo yaqaano (Horn of Africa Initiative) oo ah heerka Wasiirradda Maaliyadda.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa lagu gorfeeyay wadashaqeynta iyo Iskaashiga u leeyahay barnaamijkaan waddamada Geeska Afrika iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo maalgalinta dhamaan dalalka geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay fursadaha kala duwan iyo sida looga faa’iideysan karaan barnaamijka dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Washington halkaasi oo uu uga qeybgalayo shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, isaga oo la kulmay madax kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com