Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo s

Guddoomiyaha gobalka Cayn oo jawaab ka bixiyey dhaliil Puntland loo jeediyeey (dhegayso)
Madaxda Sare ee dowladda oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Imtixaan u furtay wakiilada Ganacsiga Dalka.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdullahi Xaaji Xasan.

Socdaalka Wafdiga Wasiirka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay u kuur gelidda xaaladaha kajira degaannada Maamulka Koonfur Galbeed sida arrimaha amniga iyo abaaraha saameeyay qaar kamid ah Bulshada kunool degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay kunool yihiin dadka barakacayaasha ah si uu ugu kuurgalo xaaladaha kajira.

Madaweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo kusugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulan yeeshaan Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: