Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay shirka 49-aad ee Ururka Dalalka Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay shirka 49-aad ee Ururka Dalalka Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Xuruuse) ayaa ee dalka Mauritania kaga qayb galay shirka 49-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkaasi oo ka dhacay magaalada Nouakchott,waxaa mudada uu socdo looga hadli doonaa arrimo la xiriira amniga iyo Xasiloonida dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Dhanka kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Xuruuse),ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Dalalka Slaamka Dr.Xuseyn Brahim Taha,waxayna ka wadahadleen taageeridda horumarka muuqda ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com