Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada hadleen arrimaha xoojinta xiriirka labada waddan, Deyn-cafinta, maaddama Ruushka uu ka mid yahay dalalka Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

” Raashiya waa tagnay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo,waxaan la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, inaan tagno waxay ahayd waddanku waxayna leenahay xiriir diblomaasiyadeed, safiir ay leeyihiin baa ina cover-gareeya, safaaradda Raashka ee Jabuuti safiirka u jooga ayaa Soomaaliya safiir u ah, inagana safaarad ayaannu ku leenahay Ruushka, waan waddan ka mid ah shanta waddan ee awoodda ku leh security councilka, waa waddan aynu lahayn xiriir hore oo weyn inkastoo sanad-dahan dambe uusan active ahayn, ardayna inaga joogta sanad kastana ina siiya scholarship, waa waddan ka mid ah haddii uusan ahayn waddamada ugu badan ee deynta badan inagu leh ee hadda kala xaajooneyno in ay deynta naga cafiyaan, in nalaga qaado cunaqabateynta hubka, maaddaama ay na soo casuumeen inaan u tagno waanu ajiibnay waanu tagnay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Huruuse ayaa sheegay inaanu u jirin warka heshiiska sida warbaahinta qaar u dhigeen, balse uu jiro heshiis ku kooban MOU oo ah iskaashiga xiriirka caalamiga ah, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro heshiis ciidan oo ay Ruushka la galeen.

“Heshiiska ma jirto sida Medi-yuhu sheegay heshiis aanu galnay, heshiis ciidan,heshiis ganacsi iyo heshiis kale haba yaraatee,waxaannu saxiixnay MOU la yiraahdo Political consultation oo ah Standard caalami ah ama template lala galo waddan kasta oo ah macnaha iskaashiga, xiriiria caalamiga iyo wixii la mid ah oo caalami ah marka kaas ayuu ahaa, xiriirkeenuna waa xiriir wanaagsan,”.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com