Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea oo gaaray Muqdisho

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea oo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee C

DFS iyo xubno ka socda maamul gobaleedyada oo shir uga furmay Muqdisho
Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin haysta dhalashada Ruushka oo Daacish ah
“Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa”, waxaan xeerinaynaa ma jirto wixii hadda ka danbeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Madaxda dowladda.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: