Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliyeed ee Sudaan

HomeWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliyeed ee Sudaan

Munaasabad si heer sara loo agaasimay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Cii

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Madaxweyne ku Xigeenka Hiirshabeele oo Shacabka Jowhar u diray Fariin (dhegayso)
Arday ka Qalin Jabisay Macadka Soyaal Boosaaso (dhegayso)

Munaasabad si heer sara loo agaasimay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad kula hadlayay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diblomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan, iyadoo ay soo qabanqaabiyeen Munaasabadda Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ku mideysan Jaamacadda Afrika.

Ugu horeyn inta aysan bilaaban munaasabadda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa goobta ku soo dhaweyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen iyo Fiidwo Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ardayda ugu warbixiyay xaalka Dalka uu marayo iyo horumarka ay ku tilaabsatay Dowladda Soomaaliya, asigoo Ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho oo ay ka gun gaaraan hadafka ay ka leeyihiin waxbarashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: