Wasiirka Arrimaha dibada DFS oo la kulmay Safiirka Sucuudiga ee Somaaliya

HomeUncategorized

Wasiirka Arrimaha dibada DFS oo la kulmay Safiirka Sucuudiga ee Somaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Sucuudiga xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo arrimo muhiimad u leh labada dal Wasiir

Gudoomiyihii degmada Burtinle oo xilkii laga qaaday
“Shabaabku waxay naga codsadeen inaan jidka u furno, si ay ugu gudbaan Puntland iyo Somaliland” Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb
Kulan lagu taageerayo shirka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Garowe (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Sucuudiga xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo arrimo muhiimad u leh labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Muqdisho , Safiirka U addeegaha labada xaram ee sharafta leh u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mohammed bin Abdulghani Khayat.

Intii qaabilaadda lagu guda jiray ayaa waxaa laga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo midka walaalnimo ee salka adag leh ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta wax wadaag xooggan oo wax ku ool ah oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saarray ka wada hadalka arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku qotoma xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Diwaanka

Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: