Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay inay ku raadjoogan dad dil ka geeystay gobalka Mudug

HomeWararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay inay ku raadjoogan dad dil ka geeystay gobalka Mudug

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Gobolka Mudug,

BAYDHABO BARO & BARAARAHEEDA MAANTA | (daawo)
CAAQIL MURSAL MAXAMUUD CABDI “Waa in si dhab ah loo baaro cidii ka danbeysey Qaraxii BOOSAASO.
GARACAD: DALJIR & DIYAAR GAROWGA WARBIXINO TAXANAYAAL AH (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Gobolka Mudug, kaas oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan.

Weerarka oo ay ku dhinteen laba Ruux hal qofna uu ku dhaawacmay ayaa waxaa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo u dhaxeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug.

Wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in weerarkaas uu yahay fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, wuxuuna ku baaqay in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo Shabaab.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ka wadaan howlgal ka dhannah Al-Shabaab, hayeeshee ay barbar socdaan dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: