Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka oo sheegay in la furi doono wadooyinka Muqdisho ee wali xiran

HomeWararka

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka oo sheegay in la furi doono wadooyinka Muqdisho ee wali xiran

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay furto Wadooyinka ku yaalla Gudah

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Wafdi Kasocda Galmudug oo gaaray Magaaladda Cadaado
Garaadka Guud ayaa ku marti ah Barnaamijka #MARTISOOR

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay furto Wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadda ee xiran.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Shacabka caasimadda dhibaatooyin Culus ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadd.

Waxaa uu sheegay in dhawaan la qaadi doono dhagaxaanta yaalla isgoysyadda Gudaha Muqdisho, islamarkaana la geyn doono Kontrooladda laga soo galo Muqdisho.

Islow ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshihii lagu qaadi lahaa dhagaxaanta, islamarkaana dadka reer Muqdisho laga doonaayo in ay muujiyaan dulqaad si loo dhameystiro qorshaha socda.

Dadweynaha kunool Muqdisho ayaa wajahay xaalad adag oo noloshaha ka dib markii dowladda Soomaaliya sanadyadii lasoo dhaafay ay xirtay inta badan wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: