Wafdi Kasocda Galmudug oo gaaray Magaaladda Cadaado

Wafdi Kasocda Galmudug oo gaaray Magaaladda Cadaado

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa maanta ka dagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Cabdi Carrabeey ayaa waxaa ay markii ay tageen Cadaado ka sheegeen in ay ku shaqeynayaan Magaaladaas islamarkaana isaga tageen Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ay labada Mas’uul ku doodayaan in ay ka soo horjeedaan xubnaha cusub ee lagu kordhiyay Baarlamaanka Maamulka Galmudug iyo isbdelka lagu sameeyay Dastuurkii Galmudug.

Markii ay tageen Cadaado waxaa qaabilay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Galmudug kuwaas oo iyana la dhacsan mowqigka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

Laban Nin ayaa Qawadsan heshiiskii ay ku midoobeen Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,kaas oo sababay in Galmudug ay u guurto xarunteeda rasmiga ah halkaasna ku shaqeeyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com