Wasiir xukuumadii uu ka tirsanaa eedeen ujeediyay

HomeWararka

Wasiir xukuumadii uu ka tirsanaa eedeen ujeediyay

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee uu hoggaminayo Maxa

ARDAA: Xalqaddii 36aad ee Taxanayaasha ARDAA & Dhismaha Xukuumadda Cusub (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir cWaaq (dhegayso)
Trump oo xilka ka qaaday Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee uu hoggaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay in dano gaaban oo doorashada ku siman ay u ijaafeeyeynayaan walaalaheen Jabuuti.

Qoral dheer o uu soo dhigay Wasiir Canshuur Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Jabuuti ay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba la garabtaagnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda. Tan iyo markii uu qaranjabku nagu dhacay.

Waxaa uu ka sheekeeyay tallaabooyinkii ay dowladda Jabuuti u qaaday dhinaca dib u heshiisiinta Soomaaliya si ay u dhalato dowlad loo wada dhan yahay oo dhibaatooyinka kala duwan ka saarta Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Jabuuti waa Hiil-Walaal

Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti waxay ahaayeen kuwo hiil iyo hooba la garabtaagnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda. Tan iyo markii uu qaranjabku nagu dhacay, Jabuuti waxay buuxisay kaalintii laga filayay iyo abaalkii aan u galnay:

Sanadkii 1991 waxay qabatay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Jabuuti 1&2, laguna soo dhisay Dawlad KMG ah.
Sanadkii 2000 waxay noo qabteen shirkii Carta ee dhidibada loogu taagay dawladnimada aan maanta haysanno.
Sanadkii 2008 waxay marti geliyeenq kulamadii dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddii KMG iyo Isbahaysigii Dib-u-Xoreynta, kolkaasoo lagu soo dhisay dowlad wadaag ah.
Gobolka Hiiraan markii Shabab loo loogay Jabuuti waa tii wiilasheeda & gabdhaheeda usoo dirtay, kana qeyb qaadatay nabadgelyada iyo horumarka dhammaan magalooyinka gobolka Hiiraan. Reer Hiiraanna waxay ugu magac dareen Hiil- Walaal.
Jabuuti waxay u istaagtay inay martigeliso ganacsatadeena, isla markaana u fududeysay sidii ay ku heli lahaayeen baasaboorro ay adduunka uga ganacsadaan, iyadoo ganacsatadaasi ay yihiin dadka halbowlaha u ah dhaqaalaha dalkeena.
Waxaa nasiibdarro ah dano gaaban oo doorashada ku siman in loo ijaafeeyo walaalaheen Jabuuti oo abaalkaas nagu leh, iyadoo dadka dagaalka ku haya Jabuuti aysan dalka ku sugneyn, kana warqabin xaalkiisa sanadahaas adag ee la soo maray..

Reer Jabuuti xil iyo xaal-marin naga guddooma haddaan nahay Soomaali. Yaan naloo qabanin in yar oo kursigu kala weyn yahay walaalnimada iyo abaalka la isku leeyahay.

Jabuut waa Soomaali, Soomaalina waa Jabuuti.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: