Wasiir Khadiijo oo diiday in Garoonka Muqdisho uu noqdo goob dadka lagu Karantiilo

HomeWararka

Wasiir Khadiijo oo diiday in Garoonka Muqdisho uu noqdo goob dadka lagu Karantiilo

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor-timid qorshe la doonayo in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay noqoto goo

Wasiirka Arrimaha dibadda somaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa Kampala gaaray, Tababarna usoo xiray Ciidan!
Ciidamadda Jubland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Degaanka Geriley ee gobolka Gedo

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor-timid qorshe la doonayo in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay noqoto goob lagu karantiilo dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus.

Wasiir Khadiijo ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay in aysan ka yeelli doonin in Garoonka Cayaaraha Muqdisho noqoto goob loo cayimay xarun karantiil.

“Ka yeeli meyno, mas’uuliyadaana na fareysa, ogaada dowlad iyo shacab, Guddiga heerka sare ee ka hortagga Corona (COVID-19) aad iyo aad bey idinka qaldan tahay ee dib isugu laabta, Garoonka ciyaaraha Muqdisho ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka dowladda, waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Stadium boqolaal ciidanka Booliska ay ilaaliyaan, isla markaana dhalinyaro ay ka wadaan howlo dayactir iyo dib u dhis, ajaaniib loo geeyay howlaha garoonka inay maalin kasta kormeeraan.

“Ma noqon karto goob karantiil, horayna nalooma weydiinin”ayay tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay.

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid kadib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka, Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay waddo in Garoonka lagu karantiili doono ku dhawaad 500 oo ruux oo Ciidamo u badan , kuwaasoo laga soo celinayo dalalka Jabuuti, Masar iyo Sacuudiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: