Wasiir Khadiijo Diiriye oo diiday in laga baaro cudurka Coronovirus

HomeWararka

Wasiir Khadiijo Diiriye oo diiday in laga baaro cudurka Coronovirus

Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka jawaabtay Muuqaal hadal aheyn badan dhaliyay oo qabs

Guulayste Ciise Cashuur iyo Guulwadeyaal Kale oo Qardho Kor u Qaadday (dhegayso)
Guddiga doorooshinka KMG ah oo Guddoomiye doortay Muqdisho
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka jawaabtay Muuqaal hadal aheyn badan dhaliyay oo qabsaday baraha bulshadda maalmihii lasoo dhaafay.

Muuqaalka ayaa muujinaayay Wasiir Khadiijo oo kasoo laabatay dalka Turkiga, islamarkaana ka biyo diiday in lagu sameeyo baaritaano la xariira Cudurka Coronovirus oo ay qaabilsan yihiin Koox ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka waxa ay sheegtay in aysan diidin baaritaano, islamarkaana Kooxda dooneysay in ay baarto aysan la heyn Muuqaal Dhaqaatiir oo ay xirnaayeen dharka Engineerada.

“Dadakii rabay inay ibaaraan uma ekeen shaqaalo Caafimaad ee waxay u ekaayeen Injineero Dhismo”Wasiir Khadiijo Diiriye.

Kooxda ka howlgasha Garoonka ayaa dhawaan waxaa howlgaliyay Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in ay baaraan dadka kasoo degaya Garoonka si looga hortaggo Cudurka Corono Virus.

Guud ahaan dunida, in ka badan 80,000 qof ayaa la xanuunsan cudurka Corona kaas oo Shiinaha ka bilowday bishii Disembar.

Cudurkan oo ku dhac neef mareenka ayaa waxaa haatan u dhintay dad gaarayo 2,700 qof.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: