Wasiir Goodax: ” Ardayda Puntland waa la siinaya Shahaadada dugsiga sare ee dowladda Federaalka”

HomeWararka

Wasiir Goodax: ” Ardayda Puntland waa la siinaya Shahaadada dugsiga sare ee dowladda Federaalka”

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Galdogob (dhegayso)
MARTISOOR & Faadumo Diiriye, waayaha nolosheeda, dimuqraadiyeynta Puntland & xaalka Garoowe
Madaxweynaha JFS oo Talyaaniga uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa kullan kula qaatay Xildhibaabada ugu muhiimsan ee ka soo jeeda deegaanada puntland.

Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Iyo sidii wadajir leesga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in qodabadii looga hadlay kullanka leesku afgartay.

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in ay muhiim tahay kor u qaadista waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: